General Cerfiid “Waa la igu been abuurtay waxba kama ogeyn duqeeyntii Bariire”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Axmad Jimcaale Geeddi “Cerfiid” ayaa xajiiqijay, in uusan waxba ka la socon weerarkii  dadka Soomaliyeed lagu laayay ee ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna caddeeyey, in lagu been abuurtay, maadaama war saxaafadeed magaciisa lagu xusay.

Jeneraal Cerfiid ayaa sidoo kale wuxuu aad ugu xumaaday in magaciisa la adeegsado, iyada oo aan wax laga weydiin lana ogaysiin weerarkii shalay subaxnamadii ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu laayay dad gaaraya 10-ruux oo la sheegay in ay beeraley ahaayeen.

Hadalkan kasoo baxay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Axmad Jimcaale Geeddi “Cerfiid” ayaa ka hor imaanaya hadal xalay uu ku dhawaaqay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya  ee ku aadan in taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaliyed Jeneraal Cirfiid uu qeyb ka ahaa howlgalka laga fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana howlgalkaas lagu dilay 8-sideed ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

PUNTLAND POST