Muqdisho (PP) ─ Waxaa lagu jiraa diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee lagu hawlgelin lahaa saldhigga ciidan ee Turkigu uu ka dhisay Muqdisho, kaasoo noqonaya midkii ugu weynaa ee uu Turkigu ka hir-geliyo meel dibadda ka ah dalkiisa.
Saldhigan millateri ayaa waa ku sugnaa gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Turkigu adeegsadaan, waxaana amaanka xarada sugayay ciidammo Turki ah oo dhawaan la keenay Muqdisho.
Dhismaha saldhiggan ayaa ku yaalla xeebta ku teedsan wadada Jazeera u baxda, waxaana Muqdisho ay u jirtaa illaa 3-km oo keliya. Dhismahan ayaa ka kooban dhawr qaybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.
Sidoo kale, wuxuu leeyahay dhismahan goobo lagu ciyaaro Kubadda Cagta, meel orodka loogu talo-galay, halka lagu shiish barto iyo qeybo kale oo aad u badan.
Haddaba, Daawo sawirrada saldhigga Turkigu ka dhisay Muqdsho;

PUNTLAND POST