ugu yaraan 30 ruux oo ku dhintay duqayn ka dhacday Sanca

Wararka aan ka helayno magaaalda sanca ee dalka Yemen ayaa sheegaya in duqaymo ay geesteen diyaaradaha dagaalku ay ku dhinteen ugu yaraan 35 ruux , siday kusoo waramayaan warbaahinta caalamiga ah.

Siday wararku xusayaan Xuladafada Sucuudiga ayaa diyaaradaha dagaalka ku weeraray hoteel ku yaal waqooyi Sanca , dadka dhintay ayaa badankood lagu sheegay Haween iyo Carruur

Xuseen AlDawi oo ka tirsan Ha’yadda Bisha Cas ayaa sheegay in dhaawacu badan yahay korna uu u dhaafayo ilaa 14 qof

Xuuthiyiinta ayaa gacanta ku haya Caasumadda Sanca , waxayna weerarkan dusha uga tuureen diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga, wararka ayaa intaa ku daraya in ay sii kordhi karaan tirada dhimasha iyo dhaawaca.

Sanca ilaa 2014 waxaa gacanta ku haya Xuuthiyiinta Yemen, waxaana dalku uu ku jiraa xaalad aad u adag , wararka ayaa xusaya in hadda uu ka dilaacay xanuunka Daacuunka , inta badan duqaymaha labada dhinac is weydaarsadaan waxaa ku dhinta Carruur iyo Haween.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xaalada madow ee uu galay dalka Yemen, waxayna ku tilmaamtay xaalad aan horay dunidda uga dhicin.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE