Madaxda ugu sarraysa Mashruuca CIP oo soo gaarey Garowe, kulamona la qaatay Xarumo ka tirsan dawladda

Madaxda mashruuca Tayaynta  shaqaalaha Rayidka ee  Puntland ( Capacity Injection Project ) ee uu bangiga adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa Garoowe ku yimi kormeer la xiriira la socodka Habsami u socodka Mashruuca oo labdii sanno ee lasoo dhaafay ka soconayey Puntland.

Madaxdaan oo uu hoggaaminayey Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya Alex Appiah iyo Lucy Musira  oo ah Madaxa qaybta hawlgelinta Mashruuca ayaa kulamo la yeesheen Madaxtooyada, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah, Wasaaradaha Qorshaynta, SHaqada iyo Shaqaalaha iyo Jaamacadda Puntland State University waxay ugu kuur galeen arrimahaasi.

Ujeedada socdaalkaan ayaa salka ku hayey sidii wax badan laysaga weydiin lahaa habsami u socodka mashruuca iyo guulaha laga gaarey muddadii uu socdey mashruucaani iyo waxyaabaha ama baahiyaha kale ee loo baahanyahay in lagu soo daro.

Sidoo kale waxaa kulamadaan looga hadlay barnaamijka shaqaalaysiinta oo hadda uu socda wejigii labaad ee mashuura isla markaana dhowaan la qaadan doono 35 boos oo shaqaale cusub ah loo qaadan doono xarumaha dawladda isla markaana la doonayo in la ilaaliyo bed-qabka iyo caddaalada tartamayaasha ku tartamaya aqoontooda.

Barnaamijka dib u habaynta iyo dib u casriyaynta hay’adaha dawladda oo dhowaan loo qabtay 11 hay’adoo oo aan hore ugu jirin mashruuca CIP ayaa isagana kulamadaan looga wada hadlay iyo sidii loo xaqiijin lahaa hirgelintiisa.

Sidoo kale siyaasado kala duwan oo lagu hagi doono shaqaalaha iyo xarumaha dawladda  oo dhowaan la dejiyey ayaa iyagana looga wada hadlay kulamadaan iyo sidoo kale barnaamijkii tiro koobka iyo diiwaan gelinta shaqaalaha oo dhowaan lasoo afmeeray.