Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Mareerguur ee gobolka Galgaduud oo u dhaxeeyey maamulka gobolada dhexe iyo Gal-mudug , waxaa si yaabo kala duwan uga hadlay labada dhinac .
Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula) oo Ahlusuna u qaabilsan Warfaafinta ayaa ku eedeeyey Gal-mudug inay soo weerertay ciidamada Ahlusuna ,waxaana la socday siduu sheegay Ciidamada ka tirsan xoogga dalka.
Jakuule ayaa intaa ku daray in ciidamada ay la socden masuuliyiin ka tirsan Gal-mudug , wuxuu ku dusha uga tuuray khasaaraha dagaalku sababay isagoo aan cadayn khasaaraha dhabta ah.
Wasiirka Warfaafinta Gal-mudug oo isna hadlay wuxuu iska fogeeyey ku lug lahaan shaha dagaalkii Mareerguur, wuxuu tilmaamay in aysan Gal-mudug wax lug ah ku lahayan dagaalkaas, basle masuuliyiin ka tirsan maamulkoodu gaareen deegaanka.
Ciidamada Maamulka Gal-mudug iyo kuwa xoogga dalka ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan deeganka , kadib markii shalay subax uu dagaal dhexmaray kuwa iyaga kuwa Ahlusuna.
Wararka uu helayo Puntland Post ayaa sheegaya in hadda lagu gudo jiro wada hadal la dhex dhigayo maamulada Gal-mudug iyo Ahlusuna .
PUNTLAND POST
XASAN BASHE