Ciidamo ka tirsan Gal-mudug oo gaaray Mareera iyo abaabul ahlusuna waddo

Waxaa laga cabsi qabaa inuu dagaal ka qarxo deegaanka Mareerguur oo ka tirsan gobolka Gal gaduud , kadib markii ay saaka gaareen ciidamo ka tirsan maamulka Gal-mudug , deegaanka ayaa la sheegay inay horay u joogeen ciidamo taabacsan Ahlusunna.

Dadka deegaanka ayaa Puntland Post u xaqiijiyey in saakadii horay ciidamo ka tirsan Gal-mudug ay gaareen deegaanka, waxayna tilmaameen in ciidamada Ahlusuna ay wadaan abaabul ciidan .

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn waxaa keenay arrintana balse Ahlusuna ayaa horay u diiday wada hadal ay la gali lahayd maamulka Gal-mudug, waxaana xiisadan kusoo aadaysa xilli maalmo ka hor madaxweynaha maamulka Gal-mudug uu soo dhisay xukuumaddiisa.

Deegaanka Mareer ayaan ka fogayn xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb oo ah.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE