Degmada Eyl ee gobolka Nugaal waxaa degmo Taariikhiya islamarkaana kulmisay bulsho badan oo Soomaaliyeed, waxay magaaladu ka kooban tahay labo xaafadood oo lakala yiraahdo Daawad iyo Baday , Daawad waxaa ku yaal daar uu daganaan jiray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka samaysan dhoobo iyo Caano geel oo la dhaho (Daawad) Baday waxaa iyana ku taal bad.
Magaaladu waxaa magaalo Facweyn waxayna dadka ku noloshoodu ku xiran tahay Beeraha, Bada iyo xoolaha nool , waxaana ku yaal beero waaweyn oo wax soo saar leh.
Xarumaha dowladda iyo Ha’yaduhu waxay u badan yihiin Xaafada Daawad oo meel sare oo qar ah ku taal , degmadu waxay leedahay Saldhig , Isbitaal iyo xarumo waxbarasho oo dhowra .
Dadka reer Eyl waxay hadda si xowliya u cabirtan dhulka , waxaana taaskeenay magaalada waxaa ka socda wado laami ah oo lagu dhisayo Mashruuca JBLG ee hormarinta degmooyinka, waxay wadaddu isku xiri doonta labada xaafadood ee degmadu ka kooban tahay.
Daawo Sawirro Puntland Post ka qaaday Eyl




























PUNTLAND POST
XASAN BASHE