Ciidamada Dowlada iyo AMISOM oo la wareegay Bariire

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM in ay saakay la wareegeen deegaanka Bariire ee gobolkaasi oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan ay saakay ku jarmaadeen halkaasi, waxaana jirta iska caabin kooban oo ay kala kulmeen dagaalyahannada Al-shabaab, walow aan khasaare lasoo sheegin.

Sidoo kale dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay iney isaga baxeen deegaanka Bariire, waxaana sidoo kale deegaankaasi hadda ka socda barakac ay sameenayaan dadka shacabka ah.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay bilaabeen iney degaan dhowr meel oo deegaankaasi ah.

PUNTLAND POST