Cosoble:-“Raiisul wasaare Kheyre ayaa burburiyay Maamulka Hirshabeelle”!

Madaxweynihii Xildhibaanada ay sheegeen in ay ka qaadeen xilka Madaxtinimo ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali kheyre in uu hormuud u yahay burburinta Hirshabeelle.

Cali Osoble oo wariyaayasha kula hadlay Magaaladda jowhar ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu kaalin weyn ka qaadanayo burburinta Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynihii xilka laga tuurey ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble  in 5-tii bilood ee la soo dhafaay dabin siyaasadeed uu u dhigayay Ra’iisul wasaare Kheyre, isla markaana uu xayiray dhaqaalihii dowlad goboleedka Hirshabelle ka heli jirtay dowladda dhexe ee Soomaliya.

“Anaga daacad ayaan iska aheyn runtii laakiin Ninka la leeyahay Kheyre waxa uu maleegayay bur burinta maamulkani, Hirshabelle adiga ma dhisin waa jireysaa, adaa meesha ka baxaya oo siyaasadda si fudud ku soo galay, lacagta Kheyre uu ka xayiray Maamulka bilooyinkii ugu dambeeyay ayuu hadda rabaa in uu u soo fasaxo oo lagu dumiyo Maamulkani”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.

Hoos ka Dhageyso Codka 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho