Maamulka Somaliland ayaa ka soo horjeestay qorshaha Dowladda Federaal-Ka Soomaaliya ay kula Wareegayso Furayaasha Taleefoonada iyo Intarneetka Soomaaliya ee +252 Kuwaasi oo ka mid ah Hantida Qaranka ee Gacanta Soomaaliya ka Baxday Markii ay Bur-burtay Dowladdii Militariga aheyd Sanadkii 1991.
War ka soo Baxay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo ku sugan Wadanka Jabuuti ayaa waxaa lagu Sheegay Dowladda Soomaaliya ay Dhawaan la Wareegi doonto Furayaasha Taleefoonada iyo intarnetka Soomaaliya si Dowladda ay u Maamusho Guud ahaan Isgaarsiiinta Dalka iyo in la dhaqan-galiyo Sharciga isgaarsiinta Soomaaliya oo dhawaan ay meel mariyeen Baarlamaanka Soomaaliya.
Qorsha Dowladda Soomaaliya ay kula Wareegayso Furayaasha Internet-ka iyo Taleefoonada ayaa waxaa ka soo Horjeestay Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaali-land Mustafe Faarax Abraar oo Tilaabadaas ku Tilmaamay mid ka hor imaanaysa Siyaasada iyo Sharcida Maamulka Wadanka isku Aqoonsaday ee Waqooyiga Soomaal-land ee Soomaal-land.
Wasiirka Abraar ayaa Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Maamul Furayaasha Waxa uu ugu Baaqay in ka digtoonaadaan Dhibaada ka dhalanka karta Qorshaha Dowladda Federaal-ka ay Wado ee Maamulka Isgaarsiinta Soomaaliya kaasi oo Qeexaya in Soomaali-land ay ka mid ah Maamulada Xubnaha ka Dowladda Dhexe.
Somaliland ayaa ka Wal-walsan Qorshaha Dowladda Soomaaliya ay Wado ee ah in Muqdisho laga Maamulo, Hawada Soomaaliya ,Isgaarsiinta iyo La Socodka Dhaq-dhaqaaqa Maraakiibta Caalamka ee Isticmaasha Badaha Soomaaliya oo hada ay la Maamulaan Qaramada Midoobey iyo Shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.
PUNTLAND POST