HRW:- “Mukhtaar Roobow Maxkamadd hala soo taago, Wuxuu laayay Caruur”!

Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaliya inay baarto dambiyadii uu galay Mukhtaar Roobwo Abuu Mansuur, ku-xigeenkii hogaamiyihii Al-shabaab, kadib markii uu shalay suxufiyiinta uu kula hadlay magaaladda Muqdisho.

Laetitia Bader oo ah Cilmi baare sare oo ka tirsan Hey’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharciyada caalamiga ay mamnuuc ka tahay in magangelyo la siiyo dadka gala dambiyada waa weyn, iyadoo Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaasha sare ee Al-Shababa

“Sharciga caalamiga wuxuu mamnuucayaa in lacafiyo kuwa mas’uulka ka ahaa xadgudubyada ka dhanka ah bini’aadanimada, Mukhtar Robow wuxuu door maamulnimo la soo qaatay Al shabaab xiligaasna waxeynu daabacnay warbixino  ku aadan weeraro  aan kala sooca laheyn oo shacabka ka dhan ahaa ,in si qasab ah caruurta loo tababaro iyo xadgudubyo ka dhan ah dadka ku nool goobaha ay gacanta ku hayaan Al shabaab,

Dowlada soomaaliya waxaa looga baahan yahay iney baarto doorkii rooboow iyo in la xaqiijiyo kuwa ku kacay falalka xun ee xadgudubka ah ineysan awood u yeelan iney kabaxsadaan ciqaabta” ayay tiri Laetitia Bader.

Muqtaar Roobow ku-xigeenkii Hogaamiyihii Al-shabaab ee Soomaliya ayaa shalay lagu soo bandhigay Magaaladda muqdisho wuxuuna sheegay in uu ka baxay dagaalyahanada Xarakada  Al-shabaab oo la shaqeynayay muddo 5-sano iyo 7-bilood islamarkaana uu wada-hadal kula jiro Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya.

Qore : Abdiaziz Hassan Ibrahim

PUNTLAND POST