Muqdisho (PP) ─ Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka jawaabay warqad kasoo baxday Xafiiska Wakiilka QM ee Somalia Michael Keating oo ahaa in la xaqiijiyo saamiga Haweenka ee ku aaddan Guddiga dib u eegista Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka.
Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in haddalka Keating uu imaaday xili aan munaasib ahayn, Wuxuuna tilmaamay in gudiga labada aqal ee dib u eegista dastuurka markii loo tartamayay ay kaliya hal gabar isa soo sharraxday taasna aysan ku guuleysan in ay soo baxdo.
Sidoo kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare wuxuu sheegay in 54 xubnood ee golaha Aqalka sare ay 13 ka mid ah yihiin haween, isagoo intaas ku daray in doorashada shanta xubnood ee Aqalka Sare u mataleysa Guddigaanna ay u dhacday si cadaalad ah iyadoo aanay jirin cid gaar ah looga saaray, halkaas gabarna isa soo sharraxday.
Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ergayga QM ee Somalia uu walaac xooggan ka jeediyay saami-qaybiga haweenka ee Golayasha Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo horay loo sheegay in saamiga Dumarka ay ku leeyihiin aqallada baarlamaanka la dhameystiray.
PUNTLAND POST