Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Madaxda DFS ka dalbaday Arrin ku saabsan Rooboow

Muqdisho (PP) ─ Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya inay socdaan shirar ku saabsan xaaladda guddoomiye ku xigeenkii hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansur] oo shalay isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, lana keenay Muqdisho.

Dhawr jeer ayaa waxaa shirar kala duwan oo looga hadlayo Sheekh Roobow ku yeeshay Madaxtooyada Madaxweyne Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo sidoo kale, Madaxweynaha maamulka Koofur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale, Warar hoose ee la helayo ayaa sheegaya in is-dhiibidda Sheekh Abuu-Mansuur uu si weyn uga shaqeeyay madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan oo hor-dhigay madaxda Somalia inay xil sare u magacaabaan Sheekh Rooboow ama uu maamulkiisa la shaqeyn doono.

Dhanka kale, Arrinta ugu adag ee hor-taalla Madaxda Federaalka, ayaa ah waxa laga yeelayo Ciidamada taageersan Sheekh Roobow oo gaaraya 400 oo maleeshiyo ah, kuna sugan deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool.

Ugu dambeyn, Sheekh Abu-Mansuur oo shalay la dejiyay xarunta weyn ee Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee loo yaqaan Habar Khadiijo ayaa lasoo weriyay in xaalado caafimaad uu ka sheeganayo, isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu warbaahinta la hadlo, isla markaana aanu diyaar u ahayn wax xil ah.

PUNTLAND POST