Magaalada Muqdisho waxaa galinkii dambe kulan ku yeeshay Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo kamid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab oo isku Dhiibay Dowlada Soomaaliya.
Muqtaar Rooboow ayaa Hadda La geeyay Xarunta Nabadsugida ee sida aadka loo ilaaliyo ee Habar Qadiijo oo ku taalo Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in Abuu mansuur uu kulan la qaatay Ra’isilwasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxa ay ka wada hadleen arrimaha Siyaasadeed iyo Moowqifka Abuu Mansuur iyo fikirkiisa wax iska badalay iyo waxa u qorsheeysan.
Dowladda ma shaacin kulanka Shiikh Mukhtaar iyo Ra’iisul wasaare Kheyre,dhexmaray.
sidoo kale wararka ay heleeyso PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in Muqtaar Rooboow uu la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho