Al-shabaab oo ka hadlay is-dhiibidda uu Abu-mansuur isku dhiibay Dowladda


Muqdisho (PP) ─
Ururka Al-shaabaab ayaa sheegay in Abuu-Mansuur oo saakay isku dhiibay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur-galbeed uusan ka mid ahayn kooxdooda lixdii sano ee aynu kasoo gudbnay.

Abu-mansuur oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab ayaa markii ay isku dhacayeen Al-shabaab, wuxuu khilaaf soo dhex-galay isaga iyo Axmed Cabdi Godane oo ahaa hoggaamiyihii Al-shabaab oo la dilay sannadkii 2014-kii.

Al-shabaab ayaa sheegay in Mukhaar Roobow iyo ilaaladiisa ay u baxsadeen dhanka gobolka Bakool, halkaasoo uu muddo sannado ah ku dhuumanayay, ugu dambeynna uu maanta isku dhiibay ciidamada Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa cinwaan uga dhiga is-dhiibitaanka Wadaadkan: Abuu-Mansuur oo isku dhiibay ciidamada Itoobiya iyo dowladda Federaalka. Waxayna sheegeen in wadaadkan uu horay u soo noqday Afhayeenka guud ee Al-shabaab, uuna ka maqnaa safafkooda muddo lix sannadood ah.

Dhanka kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ay hadda wadahadallo gaar ah ka leeyihiin is-dhiibidda Sheekh Abuu-mansuur.

Ugu dambeyn, lama oga go’aanka kama dambeysta ah ee Dowladda Somalia iyo maamulka Koonfur-galbeed ay ka qaadan doonaan is-dhiibidda Mukhtaar Abu-mansuur  oo ahaa sarkaal sare oo Al-shabaab u soo shaqeeyay.

PUNTLAND POST