Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay inuu wafdi u diray xarunta gobolka Bakool ee Xudur oo la sheegayo in meel u dhaw ay ku sugan yihiin Xubno ka socda Sh. Mukhtaar Roobow Cali [Abu-mansuur].
Wafdiga ayaa waxaa Hoggaaminaayo Wasiirka Ammaanka Koonfur Galbeed, waxaana qayb ka ah xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka iyo xubno kale, si ay wadaadka ula kulmaan.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed ”Xasan Eelaay” oo ka baxay Baydhabo, ayaa la filayaa inay wadahadal la furaan wakiilo ka socda dhanka Sheekh Mukhtaar Roobow kuwaasoo matali doona wadaadka.
Sidoo kale, Kulanka ayaa la sheegay in lagu wado in lagu qabo Deegaanka Baano oo 8-km u jira degmada Xudur, halkaasoo ay iminka ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed.
Dhanka kale, Xasan Eelaay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Abu-mansuur uu weli ku sugan yahay dhulkii uu horey kaga joogay Bakool, sidoo kalana ay Shabaabku meel aan ka fogeyn ay ku sugna yihiin.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in maamulka Koonfur-galbeed ay ka go’an tahay is garab-taaga Sh. Mukhtaar Roobow oo hadda ku sugan deegaanada uu horay ugu sugnaa.
Illaa hadda ma cadda sida uu ku dhammaan doono wadahadalka lagu wado inuu dhex-maro Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiir Eelaay iyo Wakiillada ka socda dhanka Sheekh Mukhtaar Roobow.
Ugu dambeyn, Ciidammo boqolaal gaaraya oo isugu jira kuwa dowladda iyo maamulka Koonfur-galbeed ayaa ku diyaarsan duleedka Degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool, si ay uga hortagaan weerarrada Al-shabaab.
PUNTLAND POST