Isbahaysiga Mucaaradka NASA oo si adag uga hadlay doorashadii Madaxnimo ee Kenya


Nairobi (PP) ─
Shir jaraa’id oo ay Goor-dhaweyd ay ku qabteen magaalada Nairobi ee xarunta Kenya isbahaysiga mucaaradka NASA ayay ku sheegeen in musharraxooda Raila Odinga uu heley codadka ugu badan ee doorashadii Talaadadii dhacday.

Xubnaha mucaaradka Kenya ayaa ugu baaqay guddiga Doorashooyinka ee IEBC inay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey Madaxweynenimada waddanka Kenya.

Sidoo kale, Isbahaysiga ayaa sheegey inay jireen waxyaabo badan oo la is-daba-mariyey, ayna dhacday ku shubasho, isaga oo guddiga ku eedeeyey in uusan soo bandhigin caddeyn ku filan oo ay ku xaqiijin karaan natiijada.

Waxaa xubnaha isbahaysiga la weydiiyay sida ay ku ogaadeen natiijada uu Raila Odinga heley, ayay sheegeen in dad ka mid ah IEBC ay u soo tabiyeen, kuwaasoo aysan doonayn inay magacyadooda sheegaan si aysan ugu dhicin bay yiraahdeen wixii ku dhacay Chris Msando oo ahaa madixii tiknoolajiyada ee guddiga doorashada Kenya, kaasoo meydkiisa la heley toddobaad ka hor doorashada.

Dhanka kale, Suxufi ayaa weeydiiyey inay ku dhawaaqayaan in Raila Odinga uu madaxweyne yahay iyo kale, wuxuuna Musalia uga jawaabay. “Taasi waa shaqada IEBC, iyaga ayay tahay inay ku dhawaaqaan qofka madaxweynaha ku guuleystey.”

Illaa hadda lama oga waxa ka dhalan kara hadalkaan cusub ee kasoo baxay mucaaradka, laakiin isla markiiba wararka kasoo baxaya magaalada Kisumu ee mucaaradka ku xoogganyihiin ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka biloowdeen dabaaldegyo.

Guddiga doorashada Kenya ayaa saacado ka hor sheegay in doorashada u dhacday qaab xaq iyo xalaal ah, aysana jirin wax isdabo-marin ah oo ka dhex-dhacay doorashada, ayna ku dhawaaqi doonaan natiijo cad oo kama dambeys ah.

Ugu dambeyn, Kormeerayaasha doorashada ayaa amaanay shaqada guddiga doorashada, waxayna ku baaqeen in tartamayaasha oo dhan ay sharciga u hoggaansamaan.

PUNTLAND POST