Hay’adda Astaynta maamul wanaagga Puntland oo qabatay Shirweynihii 1-aad ee yaraynta gaajadda iyo fakhriga

Kulan balaaran oo ay soo qabanqaabisay Hay,adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Puntland ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Africa, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin dawladda ka socda, aqoonyahano ku takhasusay  dhaqaalaha, iyo wax garad kale, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo yarayn lahaa fakhriga iyo gaajada .

Shirkan oo hal ku dhegiisu  ahaa “ Soomaaliya ma ahan hoygii fakhriga iyo gaajada” , ayaa waxaa looga hadlay arimo ay ka mid hiyiin

  1. yaraynta fakhriga iyo gaajada iyo in la gaaro sugnaan cunto
  2. kor u qaadista wax beerista iyo helidda cunto nafaqo leh
  3. maaraynta biyaha si loogu dabaalo baahideenna kala duwan
  4. ka faa’daysiga xoolaha nool iyo maarentooda
  5. shaqo abuuris iyo ka hortagga mashaqaystenimadda
  6. kor u qaadista wacyiga, hanka iyo hab nololeedka bulshada

Agaasimaha guud ee Hay’adda Astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye, oo shirka furay ayaa bogaadiyey ka soo qayb galayaasha iyo  muhiimadda uu shirkan u leeyahay ummadda reer Puntland iyo Soomaaliya oo dhan, wuxuuna yiri”  kan waa bilowgii yaraynta iyo ciribtirka faqriga iyo gaajadda, waxaa jiri doono insha allahu kulamo kale oo aad lafa guris loogu samayn doono sida aynu uga faa’iidaysan lahayn Khayraadka kala duwan ee dhex ceegaaga dulkeenna hooyo, haddii maamul wanaag dhab la helo shaki kuma jiro in horumar la gaarayo saboolnimaduna yaraanayso.” .

Sidoo kala Murwada madaxweynaha Puntland Pro. Hodan Siciid Ciise, oo ah aqoon yahanad ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha fikrad ahaanna lahayd in wax la iska waydiiyo mowduucan xiisaha leh ayaa hoosta ka xarriqday in laga bixi karo faqfiga, balse loo baahan yahay shaqo iyo aqoonta oo kor loo qaado, Murwo Hodon ayaa xustay  muhiimadda dhaqan-dhaqaale ee ay ummadda u leedahay wax soo saarka gudaha iyo saamaynta dhaqaale ee ku tiirsanaanta cuntada dabadda laga keenayo iyo weliba sidii dadku  uga  kaaftoomi lahaayeen deeqaha  yar ee hay’adduhu siiyaan loona baahan yahay isku tashi dhab ah .

Sheikh Maxamuud Xaaji Yusuf  Madaxa jaamacadda bariga Afrika, faraca Garoowe  oo madasha ka hadlay ayaa aad uga faalooday sida diinta islaamku uga hadashay in lala dagaalamo soboolnimada iyo  sida diinta islaamku ugu boorinayso dadku in ay shaqaystaan oo wax la soo baxaan si ay uga maarmaan in ay baryootamaan.

Waxaa kale shirka ka hadlay  Guddomiyihii hore ee gobolka mudug Maxamed  Yusuf Tigey, Dr Fowsiyo Cabdulqaadir shiikh qaasim, yaasmiin Maxamuud, Prof Maxamed Siciid Samatar, Prof Siciid faahiye, Dr Cabdiqani Dan’laan, aqoon yahanno iyo khubaro aqoon dheer u leh dhinacyada beeraha, arrimha bulshada iyo dhaqaalaha.

Ugu danbayntii waxaa kulan soo xirtay wasiir Ku xigeen wasaaradda Beeraha Murwo Siciido Xuseen Cali Gees  waxayna sheegtay in la joogo waqtigii laga faa’iidaysan lahaa khayraadka Beeraha, kalluumaysiga iyo xoolaha nool ee aan hodonka ku nahay, si looga maarmo ku tiirsanaanta wax dibadda laga soo waarido noocaydoonto ha ahaatee.

Kulankan ayaa la isku raacay in  shirwayanahan oo kale la joogteeyo oo sannad walba la qabto, Siddeedda bisha Sideedaad, iyadoo bishaas loo aqoon saday maalintii yaraynta faqriga iyo gaajadda iyo in la sameeyo siyaasadda lagula dagaalamo gaajadda iyo fakhriga, Cilmi baaris iyo wacyi galin.

PUNTLAND POST