Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kooban uga hadlay waxqabadka xukuumaddiisa, rajooyinka xilligan ay higsanayaan iyo weliba horumarrada la sameeyay.
Farmaajo oo wareysi gaar ah siinayay TV-ga Qaranka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay shacabka Soomaaliyeed sidii ay ballanqaadeen gu shaqeyso, sidoo kalena wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in horumarro la taaban karo uu sameeyay Telefishinka Qaranka.
Waxyaabihii kale ee uu ka hadlay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa; Ansixintii ay xildhibaannada baarlamaanka Somalia maanta ku meel-mariyeen sharciga isgaarsiinta dalka, taasoo uu ku tilmaamay mid qayb ka ha horumarka dalku ku socdo.
“Markaan waa markii labaad oo aan xarunta Telefishinka imaado, laga soo billaabo sannadkii 2011-kii oo aanu abaabulnay dhismaha xarunta, waxaana ku faraxsanahay in horumarro la taaban karo uu sameeyay tan iyo xilligaas,” ayuu hadalkiisa raaciyay Farmaajo
Haddaba, DAAWO Wargeysiga uu bixiyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo;
PUNTLAND POST