Nairobi (PP) ─ Iyadoo hoggaaminaya mucaaradka Kenya Raila Odinga uu kku dhawaaqay inuusan aqbalayn natiijada doorashada, ayaa waxaa durba taageerayaashiisu dibadbaxyo rabshado wata ka billaabeen Kisumu oo ka mid ah magaalooyinka Kenya.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in isku dhacyo ay dhexmareen ciidamada ammaanka Kenya iyo dhallinyaradii dibadbaxyada dhigayay, waxaana tani ay baqdin gelisay shacabka Keenyaanka ah ee ku nool magaalooyinka kale ee waaweyn sda Nairobi.
Bannaabaxayaasha ayaa waddooyinka Kisuma ku xiray dhagax, iyagoo sidoo kalena gurbay taayaro, waxaana ciidamada rabshadaha ka hor-taga ay u isitmcaaleen isku soo baxyadan gaaska ilmada ka keena indhaha.
Sidoo kale, Ciidamo badan ayaa lagu soo daadiyay Kisumu, si ay ammaanka u xaqiijiyaan, ugana hor-tagaan falal keeni kara qarbudaad iyo isku dhacyo ka dhasha natiijada doorashada Madaxweynaha.
Dhanka kale, bannaanbaxayaasha ayaa ku qalinayay erayo ay kaga soo hor-jeedaan guddiga doorashada Kenya, iyagoo ku dhawaaqayay Raila la’aantiis nabad ma jirto
Magaalada Kisumu oo ku taalla Waqooyiga dalka Kenya ayaa ah magaalo ay ku xooggan yihiin taageerayaasha mucaaradka, waxayna caan ku tahay rabshadaha dhex-mara ciidamada iyo taageerayaasha mucaaradka.
Ugu dambeyn, Ciidamo fara badan ayaa la soo dhoobay magaalooyin badan, iyagoo jidadka qaar ee Nairobi lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan, iyadoo cabsi weyn laga qabo in dalka Kenya ka dhacaan Rabshadihii Sanadkii 2007-dii oo kale.

PUNTLAND POST