Muqdisho (PP) ─ Dagaal u dhexeeya xoogag kala taabacsan wadaadka qunyar-socodka ah ee Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur iyo Al-shabaab ayaa ka socda deegaan ku dhaw degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay ku qaadeen guluf colaadeed ciidammo taabacsan Abuu-mansuur oo ku suganaa deegaan lagu magacaabo Abal oo ku dhaw Degmada Xudur.
Wararka laga helayo deegaannada ay dagaalladu ka socdaan ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo Al-shabaab ay go’aansatay inay weerarto Abu-mansuur markii Mareykanka uu ka saaray liiska kooxaha argagaxisada ah ee dalkeeda.
Sheekh Abuu-mansuur ayaa muddo sannado ah wuxuu dhaliilsanaa hababka ay ku shaqeyso Al-shabaab, taasoo keentay in wadaadkan oo qunyar-socod ah uu si gaar ah ugu noolaado deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo uu ka soo jeedo.
Ururka Al-shabaab oo muddo sannado ah dagaal kula jirtay Dowladda Somalia ee uu caalamku taageero iyo ciidamada AMISOM ayaan horay u weerarin wadaadkan, balse waxay hadda u aaneynayaan liiska laga saaray.
Dagaalkan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha Kooxda Al-shabaab ugu magacaabay gobolka Galguduud Xasan Yacquub, iyadoo dhinacyadu uu dhex-marayo dagaal aad u culus oo hugunkiisa laga maqlayo qaybo ka mid ah gobolka Bakool.
Sidoo kale, lama sheegin weli wax guul ah oo ay Al-shabaab dagaalkaas ka gaartay, inkastoo dagaalkan uu noqonayo kii ugu cuslaa oo dhinacyado ka wada tirsan Al-shabaab dhexmara muddo sannado ah.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan weli wax war ah dagaalkaan ka soo saarin, iyadoo dowladdu ay horay u soo dhaweysay ka saarista Abu-Mansur laga saaray liiska argagaxisada Mareykanka.
PUNTLAND POST