Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyay goor-dhaw sharciga Isgaarsiinta dalka, kaasoo dhawaan uu Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur horgeeyay golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka maanta ee Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 159-xildhibaan ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdulwali Sheekh Ibraahim Muudeey.
Sharciga Isgaarsiinta dalka oo maanta galay akhrintiisa saddexaad ayaa markii lasoo gunaanaday waxaa la gudo-galay in cod loo qaado, waxaana lagu meel-mariyay 158, iyadoo hal mudane oo keliya uu diiday mana jirin xildhibaano ka aamusay.
Intaas kaddib, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur ayaa uga mahad-celiyay Xildhibaanada baarlamaanka ansixinta sharcigan oo uu xusay inuu yahay mid muhiim u ah waddanka oo dhan.
Dhanka kale, Sharciga Isgaarsiinta ayaa ahaa mid muddo soo jiitamayay, waxaana dhawr jeer wax ka bedel ku sameeyeen wasiiradii soo maray Wasaaraddaas, inkastoo aanay ku guuleysan inay Baarlamaanka marsiiyaan.
Ugu dambeyn, Ansixinta sharcigan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu Wasiirka Isgaarsiintu ka dhawaajiyay shalay in xukuumadda Somalia aysan awood u lahayn maamulka furaha lagu soo galo Soomaaliya ee +252.
PUNTLAND POST