Waxaa dalka Talyaaniga ku geeriyooday Dr Maxamed Jaamac oo ahaa dhakhtar caan ka ah dalka Soomaaliya Islamarkaana loogu taji jirey xarun caafimaad oo uu ku lahaa magaalada Gaalkacyo siday u xaqiijiyeen PUNTLAND POST qaar ka mid ah Ehelada marxuumka.
Dr Maxamed Jaamac Takar ayaa la sheegay inuu ku xanuunsanayay dalka Italy, waxaana caawa la xaqiijiyay geeridiisa.
Bahda PUNTLAND POST waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan la wadaageysa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland iyo Ehelada Marxuumka , waxaana alle uga baryeynaa inuu ka waraabiyo Janatu Fardowsa Sidoo kalena uu alle ka siiyo intii uu ifka uga tagey samir iyo iimaan.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST