DAAWO: Haweeney 100 sano ka badan oo ka mid ah dadka codadkooda ka dhiibanaya Kenya

Nairobi (PP) ─ Haweeney da’deeda lagu sheegay 102 sano ayaa ka mid ah dadka maanta codadkooda ka dhiibanaya doorashada madaxnimo ee ka socota Kenya, iyadoo illaa hadda aan la sheegin wax rabshado ah oo dhacay.

Cabsi weyn oo laga qabo inay rabshado dhacaan haddii doorashada maanta dhacay la isku khilaafo ayaa ka taagan Kenya, inkastoo wararka magaalada Nairobi ka imaanaya ay sheegayaan in xaaladdu ay daggan tahay.

Haweeneyda 102 jirka ah oo lagu magacaabo Lydia Gathoni ayaa codkeeda ka dhiibatay Waqooyiga Nairobi oo ah halkii ay ku dhalatay muddo haatan laga joogo hal qarni ka hor.

“Waxaan halkan u imid inaan codkayga dhiibto, waayo waxaan rajeynayaa in Alle uu na siiyo hoggaan wanaagsan. Waxaan u codeynayo waa in ALLE uu iigu deeqay inaan muddo dheer noolaado awgeed,” ayay tiri Lydia Gathoni.

DAAWO MUUQAALKA HAWEENEYDA 102-JIRKA AH;

Sidoo kale, Malaayiin ruux oo reer Keenayaan ah ayaa ka codeynaya Maanta dhamaan dalka Kenya, waxaana la sheegayaa in dadku ay si nabad-galyo ah codadkooda ku dhiibanayaan.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo musharraxa ay tartamayaan  Raila Odinga ayaa iyaguna codadkooda ka dhiibtay magaalada Nairobi oo ay ku dhasheen, waxayna si wadajir ah u sheegeen inay rajeynayaan in si nabad ah ku dhacdo doorashada maanta.

Ugu dambeyn, Doorashadii middaan ka horreysay oo ay labadan musharrax ku tartameen ayaa waxay dalkaas ka dhalisay rabshado galaaftay nolosha dad badan oo Keenyaan ah, kuwo kalena loo dhibaateeyay.

Daawo Sawirrada Doorashada Kenya:

PUNTLAND POST