Nairobi (PP) ─ Iyadoo ay saacado ka harsan yihiin xilliga doorashada madaxweynaha Kenya, ayaa waxaa haawanaya waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, taaso lagu macneeyay cabsi weyn oo laga qabo rabshado doorashada kaddib dhaca.
Waddooyinka Nairobi ayaa caan ku ahaa ciriiri gaadiidka, taasoo dadka qaar ku qaadata saacado badan inay gaaraan xaafadaha magaaladaas Qaarkood, balse hadda waxaa waddooyinka isticmaalaya gaadiid aad u yar.
Goobjoogayaal ku sugan Nairobi ayaa Puntland Post u sheegay in gaadiidku ay aad u yar yihiin, goobaha ganacsiguna ay xiran yihiin, taasoo ay xuseen inay ku timid cabsi laga qabo rabshado dhaca inta lagu jiro doorashaad iyo kaddib.
Doorashooyinka dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo markii dalkaas uu xoroobay ku loolamayay Beelaha ay kasoo kala jeedaan labada musharrax ee berri ku tartami doona doorashada madaxnimo ee Kenya, kuwaasoo kala ah – Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga, inkastoo la filayo inay doorashadan soo af-jarto xifaaltanka ka dhaxeeya beelahan Taariikhda fog ku leh Awoodda Kenya.
Sidoo kale, Wadooyinka ugu waaweyn Magaalada Nairobi ayaa waxaa lasoo dhoobay maanta ciidammo fara badan si ay u sugaan ammaanka inta lagu jiro doorashada berri dhacaysa, iyadoo Kooxda Al-shabaab ay ku goodisay inay carqaladeyn doonto doorashada.
Ugu dabmeyn, xukuumadda hadda jirta ayaa isku dayaysa inay ammaanka shacabka ilaaliso kaddib doorashada iyadoo la xusuusto in Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto in horay loogu eedeeyay inay dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada galbeen doorashadii hore, taasoo ugu dambeyn laga cafiyay.
PUNTLAND POST