Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka kooban 10 xubnood oo min Shan xubnood uga socda labada Aqal ee Baarlamaanka, waxayna Doorasho maanta ka dhacday Muqdisho Guddoomiye ugu doorteen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxaa la tartamayay Xildhibaan C/raxmaan Faroole oo loo saadaalinaayay in uu ku guulayso xilkaas, balse waxaa xilkaas ku guuleystay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo helay 6 cod, halka C/raxmaan Faroole uu helay 4 cod.
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo C/raxmaan Faroole ayaa labaduba ka tirsan Aqal sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
PUNTLAND POST