Raila Odinga: Haddii la i doorto waan bedeli doonaa Aragtida Kenya ay ka qabto Somaliland

Nairobi (PP) ─ Musharraxa Madaxweyne ee Mucaaradka Kenya Raila Omolo Odinga ayaa sheegay in haddii loo doorto Madaxweynaha Waddanka Kenya uu si rasmi ah u aqoonsan doono gooni-isku-taagga Somaliland.

Odinga ayaa xusay in Somalia uu si gaar ah u tixgalin doono, Somaliland uu u aqoonsan doono waddan ka madax-bannaan Somalia inteeda kale, isagoo intaas ku daray in Somaliland ay ka go’day Somalia, isla markaana mudan tahay la aqoonsado.

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay sannadkii 1991-kii inay ka go’een Somalia inteeda kale, ayna yihiin dowlad madax-banaan oo Somalia inteeda kale jaar la ah.

Sidoo kale, Raila Odinga ayaa hadalkiisa ku sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia uu lasoo bixi doono haddii la doorto, isagoo sheegay in ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Raila Omolo Odinga, ayaa hadalkiisa ku daray in ciidamo badan oo Keenyaan ah ay ku dhinteen Somalia, isla markaana Xukuumadda Nairobi aysan illaa hadda ka bixin wax faahfaahin ah dhimashada askartaas.

Doorashada Madaxweynaha Kenya ayaa waxay dhici doontaa maalinta Salaasada ah ee soo socota, iyadoo ay ku tartami doonaan madaxweynaha xilka Uhuru Kenyatta oo ka socda xisbul-xaakimka iyo Raila Odinga oo isna ka socda isbahaysiga mucaaradka Kenya.

Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in haddii Dowladda Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Somalia aysan wax dhibaato ah ka geysanayn gudaha dalkaas, isla markaana ay nabad-gelin doono shacabkooda.

PUNTLAND POST