Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa toogatay mid ka mid ah askartii ciidamada Kenya ee lagu qabtay Weerarkii ay sanad ka hor ku qaadeen deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.
Muuqaal socday 13-daqiiqo oo ay faafisay Al-shabaab ayaa soo bandhigay askariga oo gadaal uu ka taagan yahay nin wajiga u duuban yihiin oo ku hubeysan bastoolado.
Askariga la toogtay ayaa fariin u diray dowladda iyo shacabka Kenya ka hor intii aan la dilin, waxaana fariinta kaddib gadaal ka toogtay askarigan nin ku hubeysan bastoolad, waxaana marka uu dhulka ku dhaco uu la sii dhacayaa rasaas.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay jiraan askar kale oo Kenyaan ah oo ay hayaan, kuwaasoo ku jira xabsiyada ay maamulaan, iyagoo sheegay inay ku filin doonaan dil toogasho oo midkan la mid ah.
Sidoo kale, dilka askarigan ayay Al-shabaab ku soo beegantay, xilli maalin ay ka harsan tahay doorashada guud ee Kenya, taasoo ay ku loolamayaan hoggaamiyaha dalkaas Uhuru Kenyatta iyo ninka ay xafiiltamaan ee Raila Odinga oo saddex jeer oo hore ku guul-darreystay doorashooyinkii loogu tartamayay hoggaanka dalkaas.
Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay toogasho ku fuliyaan askar Kenyan ah oo ay afduub ahaan ku qabsadeen, Sidoo kalena waxay toogasho horay ugu fuliyeen xubno Kenyaan ah oo iyaga ka tirsanaa.
PUNTLAND POST