Taliska Ciidamada AMISOM oo wada Qorshe cusub oo uu kula Wareegayo Deegaanka Leego

Baydhabo (PP) ─ Hawl-galka AMISOM ayaa wada Qorshe uu ku doonayo in uu dib ugu Qabsado deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Jimcihii lasoo dhaafay ka baxeen ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM.

Qorshahan oo laga wado Xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in la diyaariyay ciidammo Itoobiyan ah oo wata afartameeyo gaari oo kuwa dagaalka ah, kuwaasoo lagu wado inay qabsadaan Leego.

Deegaanka Leego oo muhiim ah ayaa xiriiriya Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa la wareegay Al-shabaab kaddib markii ciidamadii AMISOM ay isaga baxeen, iyadoo la sheegayo in dhaqdhaqaaqa lagula wareegayo uu hadda ka socdo Baydhabo.

Sidoo kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maamulka Koonfur-galbeed iyo AMISOM ay isku af-garteen in ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay noqdaan ciidamada keliya ee isku fura Baydhabo iyo Muqdisho.

Taliska Ciidamada AMISOM ee Baydhabo ku sugan ayaa qorshahaan weli ka hadlin, inkastoo mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed ay sheegeen in tallaabadan ay hirgeli doonto saacadaha soo socda.

Al-shabaab ayaa muddo sannado ah dagaallo kula jirtay ciidamada AMISOM iyo maamullada dalka ka jira oo ay ka mid tahay dowladda dhexe, inkastoo aysan ku guuleysan hadafkoodii ahaa inay xilka ka tuuraan xukuumadda uu caalamku taageerayo.

Gab-gabadii, Deegaanka Leego ayaa laga soo sheegayaa cabsi badan oo ay shacabku qabaan, iyadoo xoogagga Al-shabaab ee ku suganna la sheegay in ay dhankooda wadaan dhaq-dhaqaaqyo ay isku difaacayaan.

PUNTLAND POST