Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta qabatay munaasabad balaaran oo ay ka soo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta Wasaaradda waxbarahsada iyo Tacliinta sare oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Prof, Abshir Yuusuf Aw-ciise, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr, Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda imtixaamaadka Axmed Maxamud Warasame iyo dhamaan Bahada Waxbarashada Puntland, waxay ku shaacisay imtixaankii Fasalka 8-aad ee dugsiyadda dhaxe ee Puntland.
Axmed Maxamuud Warsame Agaasimaha Waaxda imtixaaamaadka oo ka hadlay marxaladihii uu soo maray imtixaanka maanta la shaaciyey wuxuu sheegay in sixitaanka imtixaankaan uu qaatay mudo bil ah loona xilsaaray macalimiin iyo khubaro aqoon durugsan u leh sixidda imtixaanaada, laguna bixiyey juhdi fara badan sidii arday walba u heli lahaa cadaalad ku salaysan aqoontiisa, gabagabadiina natiijadi maanta noqotay in lagu dhawaaqay.
Sidoo kale Dr- Maxamed Cali Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa bogaadiyay qaabka wanaagsan ee Waaxda imtixaanaadku ugu dadaashay una lafa gurtay soona saartay natiijo ku qotonta arday walba iyo aqoontiisa, wuxuuna sidoo kale bogaadiyey in tiradii ugu badnayd ee ka qalin jebisa dugsiyada dhexe ay sanadka ka qalin jebisay Puntland.
Ugu damayntii Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof- Abshir Yuusuf Aw-ciise ayaa soo gabagabeeyey War-saxaafadeedka wuxuuna u hambalyeeyey dhamaan ardadi sanadka ka qalin jebiyey dugsiyada dhexe ee Puntland, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii wadaan wax barashada dadaalkoodana sii laba jibraanaan, sidoo kale wuxuu goobta ka akhriyey 10-kii arday ee ugu saraysay ee ka qalin jabisay dugsiyada dhexe ee Puntland.
Hoos ka akhriso 10 ka Arday ee ugu sarraysa imtixaanka Fasalka 8-aad ee Puntland
| S/N | RNo | Magac | Dugsi | Grade | Celcelis |
| 1. | P171462 | Cadnaan Abdi Yasin Hersi
|
Imam Shafie | 626.00 | 89.43 |
| 2. | P170536
|
Mohamed Abdi Barre Waberi
|
Darul-Birr i(Bosaso) | 624.00 | 89.14 |
| 3. | P178369
|
Najmo Abdirisak Sahal Mohamud
|
Nawawi Garowe
|
623.00
|
89.00
|
| 4. | P175207
|
Luqman Abdikadir Ahmed Ali
|
Daru Salaam(Galk)
|
621.00
|
88.71
|
| 5. | P172469
|
Salman Said Jama Abdi
|
Ummul Qura
|
620.00
|
88.57
|
| 6. | P170798
|
Abdulahi Warsame Barre Said
|
Darul-Rahma(Bosaso)
|
618.00
|
88.29
|
|
6 |
P173560
|
Abdirahman Yasin Abdirahman Yusuf
|
Abdiladif Bilal
|
618.00
|
88.29
|
| 7. | P177610
|
Amira Ali Salah Adan
|
Dawad Garowe | 618.00
|
88.29
|
| 8. | P178318
|
Ali Abdullahi Ali Said
|
Nawawi Pr Gr
|
617.00
|
88.14
|
| 9. | P171503
|
Mohamed Mubarak Farah Mohamud
|
Imam Shafie
|
614.00
|
87.71
|
| 10 | P177445
|
Aisha Abdi Abdullahi Farah
|
Darwiish Garowe | 614.00
|
87.71
|

PUNTLAND POST