Ra’iisul wasaare Khayre oo ka laabtay Xilkii agaasimihii wasaaradda arrimaha gudaha

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dib uga laabtay magacaabistii Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha oo u magacaabay la taliyaha arrimaha gudaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Agaasimaha waxaa horay xilka wasaaradda uga qaaday wasiirka arrimaha gudaha Juxa, waxayna arrintaas dhalisay buuq badan oo ay isaga horyimaadeen wasiirka iyo ku xigeenkiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaana markaas u magacaabay la taliye, ka laabashada ayaa keentay sida wararka sheegayaan kadib markii Ra’iisul wasaaraha uu wasiirka arrimaha gudahu uso jeediyey inuu ka laabto.

PUNTLAND POST