Muqdisho (PP) ─ Iyadoo uu soo if-baxay khliaaf xoogan oo u dhexeeya ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa waxaa soo dhex-galay Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Farmaajo ayaa ugu baaqay wasiirka koowaad iyo wasiirka arrimaha gudaha DFS in ay khilaafkooda si hoose u xalliyaan, lagana wanaagsan yahay inay noqdaan khilaafyada kuwo soo dhaafa mas’uuliyiinta xukuumadda.
Khilaafka u dhexeeya Khayre iyo Juxa ayaa ka dhashay muran ku aadan xil ka qaadistii agaasimihii joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim.
Inkastoo ra’iisul waaaruhu uu aqbalay xil ka qaadista agaasimihii hore, ayaa haddana wuxuu u magaacabay guddiyo uu ku jiro guddiga arrimaha gudaha, taasoo ka careysiisay wasiir Juxa oo ku goodiyay inuu xilka iska casilayo haddii uu wasiirka koowaad sii wado fara-gelinta shaqooyinka wasaaraddiisa.
Sidoo kale, waxaa jira iyagana wasiirro kale oo kasoo horjeestay guddiyo kala duwan oo uu dhawaan soo bandhigay wasiika koowaad, balse qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda ayaa u arkay inay shaqooyinkooda si toos ah ula wareegayaan, iyaguna ay noqonayaan kuwo aan shaqo hayn.
“Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa inay xaliyaan khilaafyadooda, si hawlaha loo hayo bulshada Soomaaliyeed aysan u noqon kuwo caqabado ay soo wajahaan,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ka laabtay magacaabiddii uu dhawaan u magacaabay xilka agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Somalia, kaasoo dhaliyay buuqan dibadda u soo baxay.
Ugu dambeyn, dadaalka Madaxweynaha ee ku aaddan xallinta khilaafka soo dhex-galay wasiirka koowaad iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaan la ogeyn halka uu saldhigan doono.
Puntlandpost