Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay maanta xil cusub Wariye Cabdulqaadir Maxamed Cashar oo ku magic-dheere NADAARA.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul waaare Khayre, ayaa waxaa loogu magacaabay Wariye Nadaara inuu noqdo la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee xagga Arrimaha Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Dadweynaha.
Sidoo kale, Wariyahan ayaa wuxuu horay u soo noqday Afhayeenkii Guud ee Madaxtooyada maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Wuxuuna hadda ka tirsanaa Telefishinka Kalsan ee xaruntiisa magaalada London ee dalka Britain.
Ugu dambeyn, Xilkaan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabo suxufi Soomalaiyeed oo caan ah, inkastoo uu madaxweyne Farmaajo horay xilal muhiim ugu magaaabay wariyeyaal fara ku tiris ah.
Akhriso Wareegtada Magacaabidda Wariye Nadaara;

Puntlandpost