Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa aqbalay raali gelin uu bixiyay wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil iyagoo sidoo kale u fasaxay in uu sii wato howlihiisa shaqo.
Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay saakay xarunta golaha shacabka ajandaha kulanka ayaa ahaa go’aaan ka gaarista xil heynta wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ku kala qeybsamay dhawaan arrinta Wasiir Xoosh, kaddib markii uu todobaadkii hore hor imaan waayay Baarlamaanka Soomaliya.
Arbacadii aynu soo dhaafnay ayaa lagu waday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya In ay go’aan ka gaaraan arinta wasiirka balse kooram la’aanta kulanka soo wajahay ayaa sababtay in kulanka loo dhigo ilaa maanta oo Sabtida ah.
Wasiirka Dastuurka XFS C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa dhawaan ka hor yimid go’aanka Baarlamanka Soomaaliya ay ka qaateen kuraasta 8-da aheyd ee dhawaan maxkamdda Sare ee dalka ay sheegtay in lagu laaban doono doorashadooda.
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah
Puntland Post