Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah yeelaanaya kullan ay kaga doodi doonaan arrinta Wasiir Xoosh Jabriil oo mudooyinkan taagnayd.
Kullanka maanta Baarlamaanka yeelanayaan ayaa la filayaa inay kasoo saaraan go’aan, inkastoo aan la garayn wuxuu noqon doono, balse baarlamaanka ayaa horay inay dib u eegis ku samaynayaan xilka wasiirka, waxayna u sareen guddiga sare Baarlamaanka.
Horay ayuu u baaqday kullan ay baarlamaanku ka yeelan lahaayeen Wasiir Xoosh kadib markii uu soo buuxi sami waayey Kooramku.
Baarlamaanka ayaa wasiirka ku haysato sharci daro uu ku tilmaamay inay go’aankii baarlamaanku ku diideen in dib loogu laabto 8 kursi oo baarlamaanka ah.
Xildhinaano gaaraya 80 Xildhibaan ayaa cod u qaaday in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka.
PUNTLAND POST