Magaalada Garowe waxaa maanta oo jimce ah ka dhacay Mudaharaad ay dad badan dhigeen, kuwaas oo socod dheer ku maray wadadda dheer ee laamiga, waxayna jareen isku socodkii dadka iyo gaadiidka iyagoo dhagaxaan dhigay wadadda.
Dadka banaanbaxayey oo wajiyadooda caro ka muuqatay waxay jeex jeexeen sawirka madaxweynaha Puntland oo ku dhigan hareeraha laamiga, waxayna dalbanayeen in sare u kaca doolarka hoos loo dhigo.
Suuqa weyn ee Inji ayaa maanta xirna waxaana saameeyey banaanbaxa dhacayey, waxay sheegeen ganacsadu in halkii ugu sareeyey uu doolarku marayo.
Xoghayaha degmada Garowe Cabdiqafar Cadiraxmaan Axmed oo dadka banaanbaxayey la hadlay ayaa sheegay in cabashada dadka isu soo baxay ay wax ka qaban karaan, isagoo u sheegay isu soo baxayaashii inay furaan suuqa xiran.
Arbacadii aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii bosaso banaanbax ka dhacay looga cabanayey sare ukaca sicirka , kasoo sabababay dhaawaca taliyaha dekada bosaso iyo labo askari oo kale.
Sawirro.



PUNTLAND POST
XASAN BASHE