Allaha u naxariiste waxaa Caawa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir lagu dilay gudoomiyihii gobolka Galgaduud Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo walaalkiisa oo lagu magacaabi jiray Injineer Xasan.
Kooxda dishay gudoomiyaha iyo walaalkiisa oo aan haybtooda lagaranayn ayaa goobta ka baxsaday , xilliga la dilayey labada marxuum waxay booqanayeen dad eheladooda ah oo degan xaafadda Carafaad.
Lama garanayo sababta kooxdan u dishay Gudoomiyihii gobolka Galgaduud, waxayna arrintan kusoo aadaysa xilli deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud deegaano ka tirsan ay ka jiraan dagaalo iyo xaalado kacanaana oo u dhaxeeya Ahlusunna , Gal-mudug iyo beelo.
Dhanka kale Degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir waxaa caawa isna lagu dilay Nabadoon Caana oo lagu magacaabi jiray Geeddi Firdhiye.
Nabadoonka ayaa la dilay Salaadii Cishe kadib, lamana garanayo sababta dilkiisa keentay ,waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dishay.
Ciidamada Amaanka ayaa goobta gaaray kuwaas oo baaritaano ka sameeyey xaafadda dilku ka dhacay.
Dilka Gudoomiyaha gobolka Galgaduud , walaalkiis iyo Nabadoonka ayaa kusoo aadaya xilli caawa Maqribkii Qarax ay ku dhinteen ugu yaraan 4 ruux ilaa 5 ruux oo kale ku dhaawacmeen uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST
XASAN BASHE