Kooxda Al-shabaab ayaa gudaha ugashay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii maanta isaga baxeen ciidamada AMISOM , Al-shabaab oo awal banaanka magaalada joogtay ayaa gudaha magaalada u galay markay ka baxeen AMISOM.
Ciidamada AMISOM ee ka baxay deegaanka Leego ayaa aaday dhanka Muqdisho, waxaana badali doona ciidamo Ethiopian ah oo ku sugan magaalada Baydhabo.
Deegaanka Leego wuxuu isku xiraa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo , waxayna magaalada Muqdisho u jirtaa qiyaastii 120 KM , arrintan wali kama aysan hadlin Dowladda federaalka .
Inta badan ciidamada AMISOM ayaa baneeya deegaanada ay ka baxayaan iyagoo aysan ciidan kale joogeen goobta ay banaynayaan, waxayna taasi Al-shabaab u sahashaa inay qabsadaan deegaanka.
PUNTLAND POST
XASAN BASHE