Madaxweyne Ku-xigeenkii Maamulka Khaatumo oo Xilkii Laga Qaaday

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Khaatumo oo kulan  ku yeeshay magaalada Buuhoodle ayaa xilkii ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka khaatumo Cabdalle Maxamuud Haybe.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka khaatumo ayaa horey mooshin ugu keenay Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaana kulankaasi uu ahaa mid cod loogu qaadayay Mooshinka.

Guddoomiyaha Baarlmaaanka khaatumo Maxamuud sheekh Cumar ayaa Halkaasi ka sheegay in  Cod Aqlabiyad ah  Xilkii looga qaaday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatumo Cabdala Maxamuud Haybe, islamarkaana madaxweynaha laga sugayo soo magacabista Madaxweyne ku-xigeen cusub.

18 Xildhibaan ayaa u codeysay xil ka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatumo.

PUNTLAND POST