Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay shacabka dalkaas inay isdajiyaan oo ka shaqeeyaan xasiloonida kadib mudaharaadyo ka dhacday dalka Kenya , waxaana mudaharaadayashu ka cabanayeen sarkaal sare oo ka tirsan guddiga doorashada oo la dilay.
Uhuru Kenyatta oo la hadlay shacabka Kenya wuxuu u sheegay inay ku faro adaygaan amaanka si aysan uga faa’iideysan wuxuu ugu yeeray argagixisada , isagoo laamaha amaanku ku amray inay feejignaan dheeri ah galaan.
Xisbiyada Mucaaradka dalkaas ayaa madaxweyne Uhuru ku eedeyeey inuu damacsan yahay inuu ku shubto doorashada, Kenyatta ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid aysan waxba ka jirin.
Dad caraysan ayaa tagay xafiisyada doorashada iyagoo weydiisanayey inay helaan cadaalad , islamarkaana si dhakhso ah shacabka loogu soo bandhigo dilka sarkaalka iyo cida ka dambaysay.
Dalka Kenya waxaa ka jira dhaqan ah saraakiil sare oo dhinta, la waayo ama si ula kac ah loo dilo, taasi oo xasilooni darro ku keeneysa doorashada” waxaa sidaas yiri John Githongo oo u dhaq dhaqaaqa xuquuqda rayidka.
Dilka sarkaalka ayaa kusoo aaday xilli maalmo ka harsan yihiin xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha dalka Kenya.
PUNTLAND POST
XASAN BASHE