Guddiga joogtada ah Baarlamaanka oo fariin udiray Ra’iisul wasaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fasaxay lacagta la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya , Guddiga joogtada ah ayaa arrintan go’aamiyey in bilaha July iyo August , sidaas waxaa warbaahinta u sheegay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay markay warbixin ka dhagaysteen guddiga Maaliyadda Baarlamaanka , Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta ay go’aamiyeen inay socoto dooda ansixita Maaliyadda dowladda federaalka in la fasaxo lacagta ciidamada .

Cawad ayaa sheegay inaysan marna baaqan karin lacagta ciidamada oo lagama maarmaan tahay inay helaan saadkooda iyo mushaharkooda.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray inay ku wargalinayaan Ra’iisul wasaaraha , Wasaaradda Maaliyada , Xisaabiyaha guud ee bangiga dhexe iyo Hanti dhowra in la fasaxo xuquuqda ciidamada bilaha July iyo August, waxaana sidaas go’aamiyey guddiga joogtada ah ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddiga joogtada ah Baarlamaanka Soomaaliya oo kugudo jira fadhigoodii 7-aad ayey uga doodayaan ansixinta Miisaaniyada dowladda.

Halkan ka Dhagayso Codka

PUNTLAND POST

XASAN BASHE