Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliga Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo ) ayaa la taliye arrimaha siyaasada ah u magacowday Axmed Nuur (Tarsan) oo horay usoo qabtay gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Warqad Degreeto ah oo kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay sidaas , waxaana tarsan uu horay uga mid ahaa Siyaasiyiintii isbadal doonka ahaa oo u sharaxna xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Tarsan ayaa sanadii dambe wuxuu mucaarad ku ahaa dowladdii Xasan Shiikh ,isagoo tilmaami jiray in dalku u baahan yahay isbadal dhab ah.
PUNTLAND POST