Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu xukumay India

Waxaa maanta oo Arbaco ah dalka India lagu xukumay 15 Dhalinyaro Soomaaliyeed oo kamid ah 118 Maxabiis oo ku xiran dalkaas , kuwaas oo badankood ku eedaysan falal burcad badeednimo.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo jooga dalka India ayaa sheegay in maanta la xukumay 15 maxaabiis oo kamid ah 118 maxaabiis oo Soomaali ah oo ku xiran magaalada Mumbai ee dalka India.

Maxaabiista ayaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah , dowladda India ayaa horay ugu xukuntay 6 sano iyo bar, Qayb kale oo kamid ah maxaabiista ayaa la sheegay in la xukumayo maalinta Sabtida ah.

“xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ay ka hartay 6 bilood oo keliya, Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo wefti uu hogaaminayo ayaa jooga dalka India waxayna kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan dowladda India.

Masuuliyiinta ka socda dowladda federaalka iyo dowladda India ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in maxaabiista la xukumay xabsiyadooda ku dhamaystaan dalkooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay heshiis ay ula saxiixatay dowladda Ethiopia lagu soo daayey 100 maxabiis Soomaali ah oo qaarkood xirna 27 sano.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE