Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelan doono xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.
Kulankaan Baarlamaanka oo ah mid xasaasi ah islamarkaasina natiijada aad loo wada sugayo ayaa lagu wadaa in ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay go’aan ka gaaraan Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay cod u qaadaan in lagala laabto xasaanada Wasiirnimo iyo in kale waxaana go’aanku uu noqon doonaa tirada markaasi u codeeysa ama diida xasaanad kala noqoshada.
Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u ololeeynaya in Baarlamaanku uu xasanaada kala noqdo Wasiir Xoosh, halka kuwa kalena ay ka soo horjeedaan.
Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii uu Wasiir Xoosh uu ka soo horjeeystay go’aan ay gaareen Baarlamaanka oo ahaa in aan dib loogu laaban Doorashada qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.
Waxaa xusid mudan in Wasiir Xoosh uu ku maqanyahay dalka Dibadiisa isaga oo ka cudur daartay kal-fadhi Baarlamaanka ay lahaayeen isaga oo cudur daarkiisa ku sababeeyay arimo caafimaad.
Faah Faahinta Dib ugala soco PUNTLAND POST Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho