Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Meel u Dhow Madaxtooyada Jubbaland Ee Kismaayo

War Deg Deg ah oo hadda naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay Qarax ismiidaamin ah.

Qaraxaan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana la la beegsaday meel aan sidaasi uga fogeeyn madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi dad badan ay fadhiyeen sida ay ku waramayaan goobjoogaal ku sugan magaalada Kismaayo oo aan la xariirnay.

Qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaan ilaa iyo iminka si rasmi ah loo ogeeyn maadama qaraxa uu dhacay Goordhow oo maqribkaan ah hayeeshee waxaa jira qasaarooyin isugu jira Dhismasho iyo dhaawac.

Faah Faahinta Qaraxaan dib ugala Soco PUNTLAND POST  Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post