Iyadoo Caawa Puntland u dabaal dagayso sanad guuradii kasoo wareegtay markii la asaasay sanadkii 1998 oo hadda laga joojo muddo 19 sano ah, waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka Caasumadda Garowe, waxaana ka socday habeenadan howlgalo lagu xaqiijnayo amaanka, kuwaas oo lagu soo qab qabtay dhalinyaro la sheegay inay ku jireen falaal amaan daro.
Taliyaha la dagaalanka argagixisada iyo Mukhaadaraadka General Muxayadiin Axmed Muuse oo ah Taliyaha howlgalada ka socda Garowe oo la hadlay Idaacada Garowe ayaa sheegay in howlgaladan ay ku baacsanayaan argagixisada, Mukhaadaraadka iyo Dhalinyarada Mobilada furta, islamarkaana ay howgaladu ay sii socon doonaan.
Gen Muxayadiin ayaa soo hadal qaaday inay wadaan tiri koob lagu samaynayo guryaha Garowe , howlgalada ayuu sheegay inay sii laba jibaarayaan , Ciidamada howlagada kawada Garowe ayuu ku tilmaamay kuwo shacabka si wanaagsan ula dhaqma.
Taliye Muxayadiin ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka islamarkaana qofkasta uu noqdo Askari oo amniga dhankiisa ka sugo, isagoo uga mahadceliyey siday ula shaqeeyaan ciidamada.
Magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland waxaa habeenadan ka socday howlaglo lagu xoojinayo amaanka, waxaana la baarayey baabuurta maraysa wadooyinka laamiga ah.
Halkan ka Dhagayso Codka.
PUNTLAND POST.