2 Askari oo ku dhintay Qarax miino oo ka dhacay duleedka Muqdisho

2 Askari ayaa ku dhintay 2 kalena waa ku dhaawacmeen Qarax Miino oo xalay dhulka lagu aasay oo Gaari Cabdi Bile ah uu maray inta u dhaxaysa Ceelasha biyaha iyo Siinka-dheer gaar ahaan Agagaarka isbaarada Shabeelle ee Duleedka Muqidsho.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa sababay dhimashada 2 askari oo dowladda federaalka ka tirsan halka 2 kalena ku dhaawacmeen sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Askarta dhaawacantay ayaa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho, wali dowladda federaalku kama aysan hadlin Qaraxan, Al-shabaabna wali ma sheegan.

PUNTLAND POST