Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku wajahan India

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha debadda soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ku wajahan Dalka India oo ay kala hadli doonaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku eedaysan burcad-badeednimo.

Wefdigaan uu hoggaaminayo wasiir Yusuf Garad Cumar ayaa waxaa kamid ah xeer Ilaaliyaah guud ee Qaranka Axmed cali Daahir iyo saraakiil kale oo ka socota laamaha garsoorka dalka, waxaana la filayaa in ay saacadaha Soo socda u dhoofaan dalka Indiya.

Wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa la sheegay inay India u tagayaan inay heshiis ku saabsan sidii lagu soo dayn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas.

Dalka India waxaa ku xiran Dhalinyaro badan oo Soomaaliyed kuwaas oo intooda badan loo haysto Burcad badeed nimo .

PUNTLAND POST.

Xasan Bashe.