Wasaaradda Difaaca Uganda oo sheegtay in 12 askari looga dilay Shabeellaha hoose

Wasaaradda Difaaca dalka Uganda ayaa faah faahin ka bixisay dagaal shalay ku dhexmaray gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn oo ku taal inta dhaxaysa Shalambood iyo Buulo Mareer.

Wasaaradda difaaca dalka Uganda ayaa sheegtay in dagaalkaas looga dilay 12 Askari oo ka tisarn ciidamada AMISOM 7 kalena looga dhaawacay.

“Weerarkii Shabeellaha Hoose waxaa nalooga dilay 12 Askari oo ka tirsan AMISOM, 7 kalena waa nagala dhaawacay, Ciidankeena way iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, dhankoodana waxaan gaarsiinay khasaare.” ayaa lagu sheegay war qoraala oo kasoo baxay wasaaradda difaaca Uganda.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkaas ku dileen 39 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, dhawaana warbaahinta la wadaagi doonaan.

Maamulka shabeelaha dhexe oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in xiriirkoodu xumaaday ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee jooga gobolka Shabeellaha hoose, waxayna ku eedeeyeen inaysan dhaq dhaqaaqyo ciidan ka samayn gobolka.

PUNTLAND POST