
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray Mareykanka inay la baxaan 755 ka dhiman shaqaalahooda Diblomaasiyeed ee ku sugan dalkiisa.
Ruushka ayaa arrintaas uga jawaabaya cunaqabatayntii Mareykanku saaray, taas oo la xiriirtay faragalin la sheegay in Ruuskh ku sameeyay Doorashadii Mareykanka ee 2016-kii.
Madaxweyne Putin ayaa Taleefishin laga leeyahay Ruushka u sheegay in dowladiisa ay qaadi karto tallaabooyin kale oo dheeri ah oo ay uga aargudaneyso Mareykanka, balse taas uu kasoo horjeedo hadda.
Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Khamiistii la soo dhaafay ansixiyay cunaqabateenta cusub ee Ruushka la saaray, waxayna qeyb ka ahayd dhowr cunaqabatayn oo la kala saaray dalalka Kuuriyada Waqooyi, Ruushka iyo Iran.
Ruushka ayaa horey ugu hanjabay inay aargudan doonaan, si ay uga jawaabaan cunaqabataynta cusub ee Mareykanku saaray.
PUNTLAND POST